Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay eedeyn ugu jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
“Muuse, iyo gacan-yarayaashiisu waxa ay caadeysteen kuna soo celceliyaan in uu Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiiuba gacan saar la leeyihiin Soomaaliweyn, waxa aanu umadda u sheegaynaa in ay u adeegsadaan ku celcelinta arrintaa kala qeybinta bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland ee ay ahayd in ay mideeyaan” ayuu yiri Cirro
Wuxuuna intaas ku daray “Balse waxa aanu idiin sheegayaa in ay Muuse shakhsiyan u dheertahay arrintaas adeegsigeeda in uu ula jeedo beel gaar oo reer Somaliland ah, danta uu ka leeyahayna ay tahay kala haynta iyo kala qeybtina umadda reer Somaliland ee walaalaha ah, arrintaas oo sun iyo waabeeyo ku ah dowladnimadeeda, sida daxalkana u cuneysa qaranimadeena iyo wada jirka dadka”.
Dhinaca Xukuumadd Somaliland ayaa ciidamado geesay xarunta xisbiga wadani ka dib markii hoggaanka xisbigaas ay taagereyaashooda ugu baaqeen isu bax maalinka berri ah.


