Somali News

Cabdiwahaab Cabdi Cumar oo kamid noqday Xildhibaannada Maanta lagu doortay Muqdisho

MUQDISHO-KNN_Gudigga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa shaciyay Natiijada Hordhaca ah ee kursiga tirsigiisu yahay HOP#270

Musharixiinta ku tartamay kursiga Hop#270 ayaa kala ahaa1. Musharax xildhibaan ,Abdiwahaab Cabdi Cumar 2. Musharax Xildhibaan,  Muna Axmed Diiriye

Gudigga Doorashada Xildhibaanada Labada aqal Ee Somaliland ayaa shegay in Musharax Xildhibaan Muna Axmed Diiriye ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada.

Waxa ay sidoo kale shegeen in Abdiwahaab Cabdi Cumar loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 97 Ergay, waxa uuna helay dhamaan codkii ergada oo dhamaa 97.

Gudigga ayaa ugu danbeeyntii shaaciyay  natiijada hordhaca ah Kursihga iyagoona sheegay in kursiga tirsigiisu yahay HOP#270 uu ku guuleystay Abdiwahaab Cabdi Cumar.