Somali News

Cabsi ka taagan magaalada Wurzburg ee dalka Germany kadib dil ka dhacay wadankaas

Cabsi iyo Jahwareer xoogan ayaa lasoo daristay Soomaalida ku nool dalka Gemnay gaar ahaan Magaalada Koofurta dalkaasi dhacda ee Wurzburg oo Jimcihii lasoo dhaafay uu Nin Soomaali ah oo ku hubaysanaa toorey uu seddex qof ku dilay ,halka shan kalena uu ku dhaawacay oo qaarkood dhaawacoodu daran yihiin.

Ninkan ayay boolisku ku sheegeen 24 jir Soomali ah oo ku noolaa magaaladaas.

Shalay ilaa iyo maanta ma jirto Soomaalida dalkaasi ku nool oo iyagu u baxay Shaqooyinkoodi ama meelaha ay wax ka bartaan maadama ay ka baqdin qabaan in loo bartilmaamaysado Magaca Soomaalinimo.

Dadka Qaarkood ayaa u sheegay warbaahinta in guryaha ay ku xiran yihiin ayna Soomaalida si hoose xaalada ay kuwadaagaan waxaana ay qorsheenayaan in Duugta loo sameenayo Maalinimada Isniinta dadkii weerarkii tooreeyda lagu dilay ay ka qeyb galaan sidaasna ay ku muujiyaan in ay aad uga xunyihiin wixii dhacay.

Abwaan Khalid Cabdi oo kamid ah dadka kunool Magaalada Wurzburg ayaa u sheegay BBC-da Xaalada baqdin ah ay hadda wajahayaan Soomaalida kusugan magaalada dhacdadaasi ay ka dhacday iyo Guud ahaan Germany.

Ninka falkan geystay ayay boolisku sheegeen inuu daawo dhinaca dhimirka ah qaadanayay kahor intii uusan weerarkan geysan, isla markaana ay boolisku la socdeen.

Ma jirto wax badan oo laga ogyahay sababta uu ninkani weerarkan u geystey.

Muuqaal boggaga internetka la soo galiyay ayaa muujinaayay dadweyne isku dayayay in ay ninkan joojiyaan weerarkiisa iyagoo ulo iyo kuraastii ay ku fadhiyeen u adeegsanayay.