Somali News

Cabsi laga qabo dagaal dhaxmara Soomaaliland iyo Puntland

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanayo degaanka Yubbe ee Gobalka Sanaag ayaa soo sheegaya in xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay degaankaasi.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii ay Soomaaliland Ciidamo Milateri ah ay geesay degaanka kuwaas oo la sheegay in lagu xoojiyay Ciidamo kale oo hore ugu sugnaa.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa ka digaya in dagaal uu dhaxmaro Ciidamada labada dhinac ee Puntland iyo Soomaaliland waxayna Puntland ku baaqday in Soomaaliland ay joojiso dhaq-dhaqaaqyada Ciidan ay wado.

Puntland iyo Soomaaliland ayaaa dhowr jeer ku dagaalamay degaano katirsan Gobalada Sool iyo Sanaag waxaana hada llaga cabsi qabaa in dagaal kale uu dhaco kaas oo horseed u noqda dhimasho iyo dhaawac kale.