Muqdisho-KNN-Waxaa wadama dhaca koonfurta Qaaradda Afrika oo Mozambique ugu horeyso ciidankooda amaanka ay geliyaan heegan buuxa, kadib markii la sheegay in Al-shabaab halkaasi ku fideen.
Warbixin ay soo saartay Hay’ada ICJ ee ka faaloota xasaradaha caalamka ayaa lagu sheeggay in Al-shabaab qatartooda sii kordheyso.
Tanzania waxaa ka jirta koox araggaxiso ah oo Al-shabaab loogu yeero lana sheegay in ay xirriir la leeyihiin Al-shababka Soomaaliya ka daaalama.
Ciidanka Wadanka Mozambique kuwooda xuduudaha ayaa lagu sameeyay is bdedel sida laga xigtay saraakiil ka titsan milatriga dalkaasi .
“Waan badalnay habkii sugitanka amniga xuduudadaha dalkeena gaar ahaan mida aan Tanzania la wadaagno ayuu yiri sarkaal sare oo ka tisran Militariga Mozambique.”.
Wadanka Maali aya sidoo kale lagu soo waramayaa in ay sameyeen is bdedlka dhanka Ciidamada xuduudaha , waxana dhamaan tani ay la xiriirtaa Khatarta Al-shabaab iyo cabsida laga qabo oo sii kordheysa.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya oo maanta la kulmay xoghaya guud ee qaraamnada midoobey ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalalka Afrika laga garab siiyo ciribtirka Argagixisada oo uu sheegay in ay saameeyeen ku yeeshen Nolasha Bulshada Afrika.