Somali News

Cabsi laga qabo in ay Shabaab la wareegaan Deegaano kale oo ka tirsan Gedo

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadka deegaanka iyo masuuliyiinta maamulada degmooyinka qaar ay qabaan cabsi ku aadan in dagaalamayaasha Al-shabaab ay la wareegaan deegaano kale oo ka tirsan , kadib markii ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Faxfaxdhuun oo dhanka galbeed kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo,qiyaastiina 80KM ujira.

Ibraahim Guuleed Aadam Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo la hadlay Idaacada kulmiye ayaa sheegay in sababta ay cabsida u qabaan ay tahay, tiro yari dhanka ciidanka oo haysta iyo inaysan u diyaar garoobin dagaalanka ka dhanka Al-Shabaab.

Maalin ka hor ayay  aheyd markii ciidamo ka tirsan Kenya ay ka baxeen deegaanka Faxfaxdhuun ee Gobalka Gedo.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxaya dowladda Kenya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyan ciidamada Kenya ee baneeyay saldhigyo ay ku lahaayeen Gobalka Gedo.