Jowhar-KNN-Qoysas badan ayaa ka barakacay deegaano ay ka mid yihiin Buulo-Axmed Cigow, Buurfuule, Mareerey iyo Tuulooyin kale oo hoos taga dagmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe, ki dib markii ay saameyn ku yeesheen Biyo kasoo fatahay Wabiga Shabeelle.
Sidoo kale biyaha ka fatahay Wabiga Shabeelle ayaa ku dhaw iney gooyaan wadada xiriirisa magaalada Jowhar iyo Garoonka Diyaaraha sida uu KNN u sheegay Cabdulqaadir Axmed oo ka mid ah dadka dagan Buulo-Axmed Cigow sidoo kale waxa uu sheegay in go’doon ay galeen Tuulooyin badan oo hada Biyaha ay hareereeyeen.
Maamulka gobolka Shabeellada Dhexe iyo kan dagmada Mahadaay ayaa hada wada dadaalo lagu xirayo Biyaha Wabiga kasoo fatahay, iyagoo gaarsiiyay deegaanadaas Jawaano iyo Shaqaalihii dhigi lahaa.