Somali News

Cabsi laga qabo rabshado ka dhaca Mareykanka

Washington-KNN-Ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa heegankii ugu sareeyay la galiyay guud ahaan 50 gobol ee Maraykanku ka koobanyahay si looga hortago rabshado dhaca maalinta caleemo saarka m/weynaha la doortay ee dalkaa Joe Biden xilkana uu la wareegayo.

Hay’adaha amaanka Maraykanka ayaa sheegaya inay suurtogal tahay in rabashado ka dhacaan dalka Maraykanka maalinta uu Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris xafiiska la wareegayaan.

Magaalada caasimada ah aqalka cad iyo xarunta baarlamaanka ee Capital Hills ayaa la geeyay ciidamadii ugu badnaa si ay amniga u sugaan.

Sidoo kale xarumaha dawlada ee magaalooyinka waa weyn ayaa sidoo kale la geeyay ciidamo tiro badan oo gaar ah.

Dhanka kale hay’adda FBI,da ayaa sheegtay inay baarayso suurtagalnimada in dawlado shisheeye ku lug leeyihiin rabshadihii ka dhacay magaalada Washington gaar ahaan aqalka baarlamaanka 6,dii bishaan.

Xubno ka tirsan FBI,da Maraykanka ayaa u sheegay telefishinka NBC inay heleen xog sheegaysa in dadkii banaanbaxayay ee xooga ku galay xarunta Capital Hills ay dawlad shisheeye siisay lacag dhan 500 oo kun oo dollar inkastoo aan dawladaas la shaacin baarisna lagu hayo.