Somali News

Cabsi soo wajahday gaadiidka istcimaala duleedka afgooye.

Nin hubeysan oo sitay dareyska Ciidanka dowladda ayaa ruux shacab ah waxaa uu ku dilay wadada u dhaxeysa Warmaxan iyo Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ruuxa la dilay ayaa kamid ahaa wadayaasha gawaarida degmada Afgooye sida aadka looga yaqaanay degmada  Afgooye.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku sugan goobta uu dilka ka dhacay ayaa u sheegay KNN in dilkaasi uu geystay ruux hubeysan oo watay dareyska ciidamada, isagoo  sheegay in qof dilka gaystay in uu waydiistay in uu hore u aqaado, balse ruuxa la dilay ayaa diiday oo ku andacooday in uu san qaadi karin.

Intaas kadib ruuxa dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib goobta laga qaaday Meydadka Ruuxa la dilay, waxaana falkaas ka naxay dadkii goobta ka Agdhawaa.

Dhacdadan lagu dilay  darawalka ayaa waxaa ay cabsi xooggan ku abuurtay Wadayaasha gawaarida isaga kala goosha degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan  Afgooye iyo Warmaxan.