Uncategorized

Cadaado iyo Dhuusamareeb maanta maxaa ka socda?

Cadaado-KNN-Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka  Maxamed Xaashi Carabey iyo Xildhibaano aan badneen oo ka tirsan Galmudug,  waxay abaabulayaan shirar ka dhan ah Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda Xukuumadda Sh/Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xildhibaano ayaa ku sii qul qulaya magaalada Cadaado inkastoo aysan tiro badneen, warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar aysan wali gaarin Cadaado laakiin qorshuhuu uu yahay iney gaaraan maalmaha soo socda hadii aysan xaaladda isbadalin.

Dhinaca kale Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Madaxweyne Xaaf ayaa dhankooda shirar gaar gaar ah oo looga soo hor jeedo kulamada Cadaado waxay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa u yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee ku sugan Muqdisho iyo Cadaado, Xildhibaanada uu Xaaf u yeeray ayaa u badan kuwii hore ee Baarlamaanka Galmudug, sababtoo ah kuwa ka yimid dhinaca Ahlusunna Shiikh Shaakir iyo Madaxweyne Xaaf kama qabaan cabsi iyo iney ka soo hor jeesan doonaan.

Xaaladda Galmudug ayaa sii galeysa marxalad adag oo jahwareer ah lamana oga sida noqon doonto xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo xoog leh oo ay ku qaboojineyso Culeeska siyaasadeed ee ka taagan deegaanka Galmudug.