Somali News

Cabdi Maxamuud Cumar oo la xiray

Jigjiga-KNN-Warar aan ka heleeyno dowlad deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay wateen Milatariga Itoobiya Madaxweynihii iscasilay Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi ayaa laga qabtay magaalada Jigjiga walina lama oga halka rasmiga ah ee ay la aadeen ciidamadii kaxeeystay.

Inta badan Magaalada Jigjiga waxaa gacanta ku haya ciidamada Federaalka Itoobiya, magaaladana maanta xaalad degenaan ah ayaa laga soo sheegayaa, inkasta oo meelaha qaar ay wax ka dhaceen.