Somali News

Calanka Dowlad deegaanka oo maanta la badalay iyo Qodobo la meelmariyay

Jigjiga-KNN=Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in baarlamaanka dowlad deegaanka soomaalida ay maanta kulan xasaasi ah yeesheen,islamarkaana waxaa la sheegay in ay meel mariyeen ilaa sedex qodob aad loo sugayay.

Baarlamaanka oo saaka yeeshay fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxaa ay ku doorteen afhayeenka baarlamaanka oo loo doortay Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas).

Sidoo kale Mudanayaasha Baarlaamka Dowlad degaanka Soomaalida  ayaa waxaa ay Cabdullaahi Siciid Cumar u  doorteen inuu noqdo  guddoomiyaha maxkamadda guud.

Wax yaabaha kale ee Xubnaha baarlamaanka  ay aad ugu  doodeen ayaa waxaa ka mid ahaa  in magaca dawlad deegaanka uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida, lagana saaro Itoobiya.

Sidoo kale Baarlamaanka ayaa isku raacay in  calanka dawlad-deegaanka uu  noqonaya mid xagga dambe ku leh xiddigta cad ee shanta gees leh ee ku dhex jirta midabka buluugga ah.

Calankan ayaa ahaa kii laga isticmaali jiray dawlad deegaanka, waxaase beddelay madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale waxaa magaca Itoobiya laga reebay xisbiga maamula dawlad deegaanka oo hadda ka dib loogu yeeri doono Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida.

Go’aankan masiiriga ah ay maanta gaareen baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili shacabka ay aad u dhowr sugayeen go’aanka xubnaha baarlamaanka.