Somali News

Cali C.Cosoble “Laaluush ayaa la i weydiiyay si aan ula kulmo raysal wasaare Rooble”.

Muqdisho-KNN-Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Xafiiska raysal  wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay taallo Isbaaro lacag lagu qaado, si ciddii rabta in ay raysal wasaaraha ay la kulanto loogu gudbiyo.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa qoraal kooban oo uu soo geliyey bartiisa bulshada ee Facebook-gga waxa uu ku sheegay in xubno ka tirsan kuwa raysal wasaaraha u qaabilsan dhanka Protocol-ka, ay weydiiyeen Lacag 300 Doollar ah, si ay ula kulan siiyaan raysal wasaaraha.

“Raysal wasaare Rooble wuxuu noqday raysal wasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya.Xafiiskiisa waxaa ka socota hawl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad Laaluush bixiso si laguugu gudbiyo.Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay.Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiiyay inaan bixiyo 300 dollar ah si laiigu sameeyo ballan official ah.Waan hubaa inuusan Rooble waxba ka ogeyn arrinkaa, balse waa arrin aan aad uga xumaaday, sida keliya ee aan raysal wasaaraha ku ogeysiin karo isbaarada xafiiskiisa taalana waa Facebook” ayuu ku soo gebo gebeeyay Cali Cabdullaahi Cosoble raysal wasaarihii hore ee Hirshabeelle qoraalkiisa.