Uncategorized

Cali Cabdulaahi Cosoble”Madaxweynaha Hirshabelle ee Saxda ah waa aniga”

Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay dhowaan xilka ka qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in uusan xoog ku qabsan Hirshabelle si sharci ahna uu ku yimid sharcina uu uga tegeyo isagoo diiday go’aan ay maanta soo saareen golaha wasiirada dowlada federalka.

Isagoo wareysi siiyay Cali Cabdullaahi Cosoble  laanta afka soomaaliga ah ee VOA ayuu ku sheegay in horeba uu u ogaa qorshaha loogu soo direy Jowhar qaar kamid ah golaha wasiirada oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha uuna ka dambeeyay ra’iisal wasaare Kheyre.

“Qoraalka ay soo saareen waa mid taladooda ah oo raqiis ah, Madaxweynaha sharciga ahna waa aniga”ayuu yiri Cali Cabdulaahi Cosoble.

Isagoo ka hadlayay mooshinka ay xilka ugaga qaadeen Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay inuusan ahayn mid sharci ah isagoo sheegay inuusan aqbalayn.

“24 saac in mooshin lagu keeno laguna qaado xilna loogaga qaado Madaxweyne maqan ma ahan mid sharci ah,”ayuu yiri Cali Cabdulaahi Cosoble.

Cali Cabdulaahi Cosoble oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu xalay la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayna ka wadahadleen xaalada Hirshabelle uuna Madaxweynaha u sheegay in arrintan laga hadli doono marka uu ka soo laabto safar uu ku tegayo dalka Masar.

Cali Cabdulaahi oo la weydiiyay waxa uu sameynayo  ayuu ugu jawaabay weriyihii wareysanayay: “ Fal dambiyeed ayaa la galay maxkamada sare ayaan u gudbinay sharciyaqaano ayaa arrintaas u bandhignay maxkamad ayaan ku kala baxaynaa.”.