Somali News

Cali Cosoble “Amni darada wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waa dayac siyaasadeed”.

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlay laanta afka soomaaliga ah ee VOA-da ayaa waxaa uu ka hadlayay Xaaladda Amni  daro ee ka jirta wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in sababaha Amni dararda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ay tahay mid siyaasadeysan oo lagu doonayo in lagu yareeyo dhaq dhaqaaqa Xildhibaannada oo badankood soo aada Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay  in Madaxda Maamulkaas Dano gaar ah ay ka leeyihiin Dayaca iyo wax ka qabasho la’aanta sugidda Amniga oo sababay in uu go’o isu gudubka Gaadiidka xubnaha maamulka.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in waqtigii uu joogay Amniga wadadaasi ay aheyd mid wanaagsan,hayeeshee haatan aysan mas’uuliyiinta mari karin,isaga oo sheegay inay sabab u tahay Arrimo siyaasadeed oo kajira degaannada Hir-Shabeelle.