Muqdisho-KNN-Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta ka hadlayay furitaanka kalfahiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo uu yahay mid aan wax wadatashi ah laga sameyn.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in shirkii Madaxda Maamul gobaleedyada uu yahay mid lagu kordhinayo dhibaatooyinka ka jira deegaanada galmudug,waxaa uuna shirkaasi ku tilmaamay mid ay ku riyoodeen.
Dhawaan ayay aheyd markii War murtiyeed ka soo baxay Madasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya ay sheegeen in ay hakiyeen dhamaan wada shaqeyntii ay la lahayeen dawladda Faderaalka Soomaaliya.