Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa dhalinyarada la wadaagay in heshiis laga gaaray tabashooyinkii jiray, dhalinyaraduna ay lafdhabar u yihiin bulshada, muhiimad wayna ay u leedahay inay garab istaagaan Dowladda.
Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in laga wadashaqeeyo nabada iyo xasiloonida Magaalada isagoo u balan qaaday in loo sameyn doono shaqo abuur iyo in dowladiisa ay qeyb la noqon doonaan.