Somali News

Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay Jowhar

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Jowhar kadib safar shaqo oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan xubnaha labada gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka, iyo kan degmada, Saraakiisha amniga iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe intii Muqdisho ku sugnaa wuxuu kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah, oo ay ugu weyn tahay abaarta sida guud dalka ugu jirta oo ay wajahayaan xiligaan Dadka Soomaaliyeed.