Somali News

Cali Guudlaawe oo magacaabay xubnaha Golaha Wasiirada Hir-shabeelle

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xalay magacaabay Golihiisa Wasiirada, kuwwas oo in badan laga sugayay, islamarkaana uu heystay caqabado kahor imaanayay inuu tallaabadaas qaado.

Xubnaha Golaha Wasiirada oo uu madaxweynuhu ku magacaabay wareegto uu soo saaray waxaa ay ka kooban yihiin 80 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 26 Wasiiru Dowle.

Sidoo kale, isla magacaabista uu sameeyay Madaxweynaha Hir-shabeelle, waxaa ka hor yimid Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, kaas oo laga dhigay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga maamulkaas, isagoo xillaasi iska casilay.

Balse, wax faah faahin ah kama uusan bixin sababta uu xilkaasi ku diiday.Hoos ka akhriso xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.