Somali News

Cali Guudlwaale oo la kulmay Shiikh Shariif

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shiikh Shariif ayaa dhowaan loo doortay Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, ka dib Doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Shiikh Shariif ugu hambalyeeyay Xilka loo doortay, isaga oo u rajeeyay in Allah ku astaro ma’uuliyadda.

Kursiga uu ku guuleystay Shiikh Shariif waxaa hore ugu fadhiyay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur.