Uncategorized

Cali Khaliif Galeyr”waa in si deg deg ah loo joojiyaa dagaalka iyo Xiisada ka taagan Buuhoodle”

Buuhoodle-KNN- Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha maamulka Isku magacaabay Khaatuma ayaa canbaareeyay dagaalkii xoogganaa ee shalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray Shacab ku sugnaa Bartamaha Magaalada Buuhoodle.

Isagoo ku sugnaa goob laga maqlaayay rasaas Xooggan ayuu sheegay  Cali Khaliif Galeyr in waxa Magaalada socda ay yihiin dadkii Khaatumo oo la isku diray colaadna aan kala geynin.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Khaatuma aysan dani ugu jirin Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ay u kala janjeeraan dhinacyada dagaalamaya iyo siyaasiin ka soo jeeda deegaanada maamulka isku magacaabay Khaatuma.

Cali Khaliif Galeyr ayaa dhawaan heshiis la soo saxiixday Maamulka Soomaali-land kaas oo ku saabsanaa in labada maamul la mideeyo.