Somali News

Cali Mahdi oo iska diiday in uu aqoonsi ku dhexmaro Muqdisho

Muqdisho-KNN-Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ogaatay in khilaaf xoog leh uu soo kala dhex galay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynihii hore ee Soomaliya Cali Mahdi Maxamed.

Khilaafka ayaa ka dhashay kaddib markii Cali Mahdi laga celiyay Bar Koontorool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo ay gaartay arintaas ayaa xaafiiskiisa ku qaabilay Cali Mahdi raali galin kadibna waxa uu ku wargaliyay in loo sameynayo aqoonsi ama ID car uu ku maro wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Halkaan Ka dhageyso warbixinta oo dheer:-