Muqdisho-KNN-Dabley hubeysan ayaa saakay gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkinley waxa ay ku dileen L/xidigle Cali Raage Cadde oo ahaa taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka booliska degmada Dharkinley ee gobalka Banaadir.
Allaha u naxariistee dableyda ayaa taliyaha ugu galay gurigiisa, iyaga oo qaarka sare ee jirkiisa uga dhuftay dhowr xabadood, waxaana la sheegay in markii hore uu dhawac noqday, balse markii isbitaalka la geeyey uu geeriyooday.
Sarkaalka la dilay ayaa ka mid ahaa sarakiisha ciidanka booliska Somalia, kuwooda in muddo ah ka shaqeynayey magaalada Muqdisho, isaga oo saldhiya kala duwan oo kan Xamar-Weyne uu ka mid yahay ka howlgalay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Taliyaha dableyda dishay ay horay u qateen bastooladiisii.