Somali News

Canfarta oo bilowday in ay Soomaalida kala degaan gaadiidka u socda Adis Ababa.

Muqdisho-KNN-Qoowmiyada Canfarta ayaa bilaawday Saka in in ay Soomaalida u socdaaleeyso Casimadda Itoobiya ee Adis Ababa kala degaan Gawaarida ay saaranyihiin Sida uu inoo sheegay Wariyaha KNN ee Dowlad degaanka Abdihakin Gamaadiid.

Dadkaan oo dhalinyaro u Badan Ayaa u shegay Gamaadiid In Iyaga kaliya gaariga lagala dagay markii Aqoonsigooda la eegay lana ogaaday in ay Soomaali yihiin.

Sida uu kusoo waramay Wariyaha Dadkaan ayaa usocday Adis ababa Balse Canfarta ayaa gaariga ka Dajisay Waxayna u shegeen Dadka laga dejiyay Gawaarida in Ay ka Cabsi Qabaan in Loo Haysto Aar gudasho.

Wariye Abdihakin Gamaadiid ayaa sheegay in  Tirada Dadkii  gawaarida Lagala dagayo Ay gaartay 16 Qof oo soomaali Canfarta ayaa wali wada In Ay Ladagaan Dadka Soomaalida ah ee kusocdaalaya Wadada Adis ababa tagta.

Wixii kusoo Gordho Halkaan Kala Soco.