Uncategorized

Canshuurta laga qaado Dekedda Muqdisho oo la kordhiyay.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Ganacsatada Dekedda Magaalada Muqdisho wax kala soo dega ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay kordhisay Lacagta laga qaado Ganacsiga ka soo dagaya Dekedda Muqdisho.

Ganacsatadaan ayaa sheegay in 25% la kordhiyay lacagta laga qaado waxyaabaha Dibadda laga keeno ee laga soo dejiyo Dekadda Muqdisho arintaasna aysa  awoodin Ganacsatada Muqdisho.

Waxaa soconaya kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaa  Ganacsatada oo ay arintaas uga hadlayaan Islamarkaana lagu wado in ay kaga hadlaan go’aanka Wasaaradda maaliyadda ee Canshuurta lagu kordhiyay.

Wasaaradda Maaliyadda ayaan ka hadlin ilaa hada lacagta lagu kordhiyay agabyada laga soo dejiyo Dekedda Muqdisho.