Somali News

Caro ka dhalatay Xubno ka tirsan Dowladda Hindiya oo Aflagaadeeyay Nabigeennada Muxamed SCW

Qaar kamid ah wadamada Muslimiinta ayaa waxaa ka dhacay bannaanbaxyo lagu cambaareeyay hadal ka soo yeeray laba xubnood oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee dalka Hindiya uu ku aflagaadeeyay Nabigeennada Muxamed SCW.

Dadkaan muslimiinta ee bannaanbaxa dhigay ayaa ereyo dheer ku dalbadanayay in uu raalli gelin bixiyo Xubnahan ka tirsan Xisbiga Ra’iisul wasaaraha Hindiya, taasi oo weliba noqoneysa Raali-gelin Dadwayne.

Gudaha Hindiya gaar ahaan magaalada New Delhi ayaa kamid ah goobaha ay Muslimiinta bannaanbaxyada ka dhigeen, kaasi oo ay uga carreysan yihiin hadalada aflagaada ee ka soo yeeray Siyaasigan Hindiga. Sidoo kale dalalka Pakistan, Qadar iyo dhowr kale oo kamid ah dalalka muslimiinta ayay ka dhaceen bannaanbaxyada.

Dhowanahan dalka Hindiya waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo Muslimiinta iyo Islaamka lagu waxyeeleynayo, waxaana khasaare kala duwan uu ka soo gaaray dad badan oo Muslimiin ah.