Somali News

Carruur iyo dumar ku sumoobay Boorash ay cabeen

Ugu yaraan 35 qof oo ka kooban dumar iyo carruur ka yar da’da qaan gaarka ah ayaa la dhigay Isbitaalka Banaadir, kadib markii ay ku sumoobayn raashin ay ka cuneen xarumo lagu daryeelo Hooyada iyo dhallaanka oo ku yaalo degmooyinka Waabari iyo Kaxda.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa xaqiijiyay in dadkaan ay ku sumoobeen boorash ama mushaari ay ka cuneen MCH iyo goob kale oo raashinkaasi lagu siiyo dadka danyarta ah oo ku kala yaala degmooyinka Kaxda iyo Waabari.

Basma Caamir Shakeeti, Guddoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa dadkaan xanuunsan ku booqatay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir waxayna ka deyrisay xaaladda qaar kamid ah dadkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Banaadir ee arimaha Bulshada Basma Caamir Shakeeti ayaa uga digtay Shacabka magaalada Muqdisho ay canuun ama ay cabaan boorashka laga bixiyo degmooyinka Gobalka Banaadir inta laga baarayo halka ay sunta ka timid.

Dadkaan xalay ku sumoobay boorashka ay cuneen ayaa ahaa caruur iyo dumar ka soo jeeda qoysas danyar ah, oo ay daruufaha iyo nolasha oo ay ku jiraan ku qasabtay quudashada boorashka degmooyinka laga bixiyo.

Hey’ado gargaar ayaa boorashkaan lagu sumoobay ka bixiya degmooyinka Gobalka Banaadir balse wali lama cadaynin magaca hey’adaan boorashkii ay bixisay lagu sumoobay