Uncategorized

Carruur ku dhimatay Qarax Miino oo kula kacay Duleedka Magaalada Mandheera

Muqdisho–KNN– Sida ay sheegeen Booliska Wadanka Kenya Shan Carruur ah ayaa ku dhimatay Qarax Miino oo kula kacay Degaan lagu Magacaabo  Kanyeri oo u dhow Magaalada Mandheera Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalidu ay degto.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Miinada ay aheyd mid Xilliyo hore Meesha lagu Aasay,iyadoo Carruurta ay ku dheelayeen Waqtiga ay la kacday.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in Carruurta dhimatay uu u weyn yahay Wiil Shan iyo Toban jir ah,kuwa kalena ay ka sii yar-yar yihiin.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer Qaraxyo Miino oo ay ku aaseen Gobolka Waqooyi Bari Kenya ku dilay Ciidamo iyo Dad Shacab ah intaba.