Dhuusa mareeb-KNN-Dagaalamayasha Al-ShabAab ayaa maalmihii ugu dambeeyay u hanjabay dad rayid ah oo ku sugan Gobalka Mudug , si ay bulshada halkaasi ku nool ugu qasbaan in ay ku wareejiyaan caruur ay afkaartooda baraan, isla markaana ay tababar ciidan siiyaan.
Tan iyo dhammaadkii bishii August ee 2018, Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku amreen odayaal, macallimiin iyo dadka reer miyiga ah in boqolaal carruur ah oo qaarkood ay 8 jir yihiin ay ku soo wareejiyaan, ama ay dagaal wajahayaan.
Ololaha baahsan ee caruurta lagu askareynayo ayaa Al-Shabaab waxaa uu gobolada dhexe ka bilaabay bartimihii sanadkii aanu soo dhaafnay
Waxaa ay weeraro la beegsadaan beelaha diidda in ay caruurtooda ku biiriyaan dagaalamayaasha alshabab.
Boqolaal carruur ah oo ay wehlinayaan waalidkooda ayaa maalmihii la soo dhaafay oo xalay u dambeeysay ka soo barakacay guryahooda, si ay uga badbaadaan qorshaha qasabka ah ee Al-Shabab wadaaan.
Waxaana Magaalooyinka ay tageen caruurtaasi ka mid ah magaalada dhuusamareeeb, waxaan tirada ugu dambeeysay ee timid garayaaan 20 caruur ah.
Maamulka galmudug ayaa caruurta waxaa uu u sameeyay meel lagu xanaaneeyo caruurta waxan lagu baro, maadaama dhul aad u fog ay ka yimaaadeen.
Ololaha baahsan ee caruurta lagu askareynayo ayaa Al-Shabaab, waxaa uu gobolada dhexe ka bilaabay bartimihii sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2017-ka.


