Somali News

Caruur ku dhimatay weerar ka dhacay waqooyiga Suuriya.

Ugu yaraan sideed ruux oo shacab ah ayaa dhimatay kadib markii ciidamada dowladda Suuriya ay weerareen qaybta ay gobolka Idlib kaga sugan yihiin falaagooyinka kasoo hor jeeda dowladda.

Sideeda ruux ee dhimatay ayaa lasheegay in afar kamid ah ay yihiin caruur kuwaas oo waqtigii laweerarayay iyaga iyo macalimiintoodaba ku sugnaa Iskuul ku yaalo gobolka.

Weerarka ayaa sigaar ah kaga dhacay maaalada Sarmiin, oo ku taala waqooyi galbeed gobolka Idlib.

Ugu yaraan 16 ruux oo kale ayaa lasheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen sida ay ku warantay hay’ad udooda xuquuqda aadana fadhigeeduna yahay dalka UK.

In kabadan 200,000 oo ruux ayaa iskaga bara,kacakay gobolka todobaadyadii ugu danbeeyay iyadoona weerarkani uu noqonayo kii ugu horeeyay ee dhaca sanadkan cusub ee 2020’ka.