Somali News

Caruur ku Geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan Laba Carruur ah ayaa ku Geeriyootay Laba kalane way ku dhaawacmeyn kadib Markii uu Gaari Jiiray Caruurtaan ku sugneed degmada Waabari ee Gobalka Banaadir, meel u dhaw Buundooyinka.

Goob Joogayaal ayaa KNN u sheegay in Gaari Nuuca Raaxada ah uu ka soo baxay Laamiga kadib uu jiiray Carruur Dugsi Qur’aan u socotay oo mareysay ka soo hor jeedka Laamiga UNICEF dhinaca degmada Waabari,Gaariga ayaa ka yimid dhinaca Xamar-weyne.

Gen. Xabad oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhigga degmada Waberi ayaa warbaahinta  u sheegay in Gaariga ay wateyn 4 qof oo laba ka mid ah ay yihiin Dumar, loona maleynayo iney Cabsanaayeen ama ay soo isticmaaleyn Daroogo oo ay xalay oo dhan dhafar ku jireen sida uu sheegay.

Taliyaha ayaa sheegay inuu Baxsaday Darawalkii Gaariga balse ay qabteen 3-dii qof ee kale oo qeyb ka saarnaa Gaariga waxaana lagu wareejiyay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ee Dambi Baarista CID.