Uncategorized

Caruur ku geeriyootay dab ka kacay Hargeysa.

Dab xoogan ayaa waxaa uu xalay ka kacay Guri ku yaala xaafad ka tirsan  magaalada Hargeysa ee Soomaaliland, iyadoona uu ka dhashay khasaaro dhimasho ah, sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN.

Duqa Magaalada Hargeysa  ayaa sheegay in dabka ay ku geeriyoodeen laba carruur ah, sidoo kalena Ciidamada dab-demiska ay dabka demin waayeen sababo la xiriira inay waayeen wadooyin ay u maraan.

Sidoo kale duqa ayaa sheegay in  Aaga guriga dabka uu ka kacay ay aheyd Goob cariiri ah, waxaana uu Shacabka ugu baaqay inay wadooyinka furaan hadii kale ay tallaabo ka qaadi doonaan.