Somali News

Caruur lagu laayay Zimbabwe si xubnaha jirkooda looga ganacsado.

Muqdisho-KNN-Xil Caruur ah ayaa lagu dilay koofur Galbeed Wadanka Tanzania waxaana lagala baxay ilkihii iyo dhegihii, sida ay Saraakiisha Booliisku sheegeen.

Qaar ka mid ah Caruurta oo Da’doodu ay u dhexeeysay labo illaa Sagaal Sano ayaa waxaa sidoo kale meydkooda ka maqnaa Faruuryaha.

Masuul Booliiska ka tirsan ayaa waxaa uu sheegay in Caruurta loo laayay si qaybaha jirkooda laagu adegsado sixir waxaana dhacdadaas loo xiray Hal qof kaasi oo Sedax ka mid ah Caruurta ay Qaraabo yihiin.

Dadka Gobolka qaarkiis waxaa ay aaminsanyihiin xubnaha Banii aadamka loo adeegsan karo Hanaan lagu gaaro mansab hanta badan iyo Qani nimo.