Uncategorized

Cayaarihii Gobollada ee lagu qaban lahaa Kismaayo oo Muqdisho loo soo Wareejiyay

Kismaayo–KNN– Sida lagu sheegay War ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda Cayaaraha Maamul Gobolleedyada ayaa lagu sheegay in Cayaarihii  Gobollada ee horay loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Magaalada Kismaayo laga soo Wareejiyay oo lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay Dhanka Garoonka Kubadda Cagta Waamo Ee Magaalada Kismaayo oo weli sidii loogu talo galay aan loo diyaarin,waxaana Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ay isla garteen in Magaalada Muqdisho loo soo Wareejiyo Marti gelinta Cayaaraha Gobollada.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Cayaaraha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ayaa lagu sheegay in 7-da Bisha December ay ka bilaaban doonaan Gobolka Banaadir Cayaaraha Gobollada .