Somali News

Cayaaryahan Sadio Mane, oo ku guuleystay Cayaariyahanka ugu Wanaagsan Qaarada Afrika.

Muqdisho-KNN-Weeraryanka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Senegal Sadio Mane, ayaa xalay loo doortay in uu noqdo ciyaariyahanka ugu wanaagsan qaarada Afrika.

Mane, ayaa abaal marintan ku gaaracay ciyaariyahanka reer Masar isku kooxdana ay yihiin ee Mohamed Salah iyo ciyaariyahan reer Algeria iyo kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez. Mane, oo 27, sano jir ah ayaa kooxdiisa ka caawiyay ku guuleesiga horyaalka qaarada Yurub ee Champions League, isagoona 30 gool u dhaliyay kooxdiisa xagaagii lasoo dhaafay.