Somali News

Dowladda Soomaaliya oo daah furay Barnaamijka Gurmadka Degdega ee abaaraha dalka ka jirra.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa maanta daah furay Barnaamijka Gurmadka Degdega ah ee looga jawaabayo abaaraha dalka ka taagan.

Barnaamijka oo ay iska kaashadeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee IOM, WFP iyo UNICEF ayey maalgelisay Dawlada Ingiriiska.

Ergayga ayaa munaasabadii furitaanka u mahadceliyey Dawlada Ingiriiska, isagoo xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xiriirinta iyo fududeeynta gargaarka lagu taakulaynayo dadka ay abaaruhu wax yeeleeyeen.

Wuxuu kaloo ergeyga ka mahadceliyey jawaabta degdeg aha ee ay dawladaha deeqaha bixiya iyo kuwa Qaramada Midoobay ka baxiyeen qayladhaantii ergayga.