Ceelbuur-KNN-Ilo Wareedyo lagu kalsoon karo ayaa KNN u sheegay in 7 qof oo ka mid ah odayaal ay dhawaan Shabaab ka afduubteen deegaanka Gal-qoryaale ee gobalka galgaduud ay ka soo baxsadeen Al-Shabaabkii qafaashay.
Dadkan ayaa hada waxaa ay dib ugu soo laabteen degaanka Gal-qorayaale ee gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Sababta ka dambeysay in ay dadka ka soo baxsadaan Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii diyaarado dagaal la sheegay in xalay ilaa iyo saakay Aroortii ay dul heehaabayeen degmada Ceel buur,iyadoona la tilmaamay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka soo carareen degmada Ceelbuur,Taasina waxaa ay keentay in cabsi badan ay soo wajahdo.
Weli odayaal badan ayaa waxaa ay Al-Shabaab ku haystaan degmada Ceel buur ee gobalka Galgaduud.