Sports

Chelsea oo dooneysa Nagelsmann inuu badal u noqdo macalin Conte.

Muqdisho-KNN-Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diirada saarayso Julian Nagelsmann oo bedel u noqon doona xagaaga soo aadan macalin Conte.

Mustaqbalka Conte ee Stamford Bridge ayaa ah mid uu mugdi ku jiro xilli ciyaareedka soo aadan, iyadoo Blues ay iska dhiibtay horyaalka Premier League oo ay xagaahi hore iyadu hanatay, islamarkaana ay hada ku jirto kaalinta 5aad kala saraynta horyaalka.

Macalinka Talyaaniga ayaa si joogta ah ugu dagaallamayay kooxda Chelsea waxaana uu u muuqdaa mid sii kordhaya inuu ka dhaqaaqo dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo uu ku  hogaamiyay kooxda horyaalka xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeyay ee kubada cagta Ingariiska.

Daily Star ayaa soo warineysa in Nagelsmann uu ku soo baxay liiska musharaxnimada ee bedelaya Conte ka dib markii uu shaqo fiican u qabtay koxdiisa Hoffenheim labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

30 jirkaan ayaa noqday macalinkii ugu da’da yaraa taariikhda Bundesliga markii uu ku soo biiray Hoffenheim sannadkii 2016.

Hoffenheim ayaa dooneysa inay dib u soo celiso qaab ciyaareedkan xilli ciyaareedkan, waxaana lagu balan qaadi doonaa kaalinta afaraad ee horyaalka haddii ay badiyaan labadii kulan ee ugu dambeysay ee xilli ciyaareedkan.

Nagelsmann ayaa haatan qandaraaska u saxiixay kooxda ilaa 2021, waxaana uu heystaa qandaraas aan ku sii jiri doonin illaa xagaaga soo aadan, laakiin Roman Abramovich ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu isku dayo inuu ka tago kooxda ka dhisan Jarmalka.

Chelsea ayaa markii hore lala xiriirinayay Luis Enrique iyo Massimiliano Allegri, laakiin waxaa lagu soo waramayaa inay dalab ka gudbiyeen macalinka Hoffrnheim, halka Arsenal ay iyaduna ku fikireyso inay u dhaqaaqdo macalin Nagelsmann.

Qalinkii:Aadam aqyaar