Sports Uncategorized

Chelsea Oo Dooneysa shabaq ilaaliye.

Muqdisho-KNN-Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso goolhayaha Stoke City Jack Butland si uu badal ugu noqdo hadii uu kooxda ka dhaqaaqo shabaq ilaaliye Thibaut Courtois.

Blues ayaa lagu qasbay inay go’aan ka gaarto booska gool hayaheeda koowaad sababtoo ah Courtois qadndaraaska uukula joogo kooxdiisa waxaa ka harsan wax ka yar halsano iyada oo xiiso ba’an ay u hayso xidigan kooxda Real Madrid.

Kooxda ciyaarta Premier League ayaa sidoo kale lagusoo waramayaa inay iska iibiyaan goolhayaheeda caalamiga ah, laakiin waxay u muuqataa in kooxda Galbeedka London ay isku dayayaan inay xal u helaan.

Sida ay Sky Sports News warinayso, Chelsea ayaa qorsheyneysa in ay isku dayaan inay la soo wareegto goolhaye Butland ka Stoke ka hor inta uusan xirmin suuqa.

Tababaraha kooxda Stoke Gary Rowett ayaase horay u muujiyay in uu fasax ka ahayn kooxda goolhayihiisa.

Chelsea ayay u badan tahay in ay iska bixiso in ka badan £30m Si ay ubheaho shabaq ilaaliyahaan.