Muqdisho-KNN-Afayeenka taliska Maraykanka ee Qaaradda Afrika Chris Karns oo wareysi siiyay VOA-da ayaa wax laga weydiiyay in howlgalkoodu uu guul kasoo hooyay Soomaaliya.
Afayeenka ayaa sheegay in doorka Africom ee Soomaaliya uu yahay mid aasaasi ah oo ay ku horumarinayaan Ciidanka Danab oo muhiim u ah dagaalka islamarkaana ay xaqiijinayaan in Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ay siiwadaan guulahooda.
Duqaymaha uu Maraykanku Soomaaliya ka geysto ayuu sheegay in ay muhiim u yihiin bur-burinta Al-shabaab.
“Waxay Al-shabaab ku abuuraan jaha-wareer, waxayna ka hor istaagaan maamul xirfadeysan” ayuu hadalkiisa ku daray Chris Karns.
Afayeenka Howlgalka Maraykanka ee Qaaradda Africa ayaa sheegay in ay Ciidanka Dowladdu sameeyeen horumarro muhiim ah, isagoo tusaale usoo qaatay in ay Al-shabaab sanado ka hor maamulijireen 85 ilaa 90% dhulka Soomaaliya, balse hadda waxa ay maamulaan ayuu yiri 20%.
Mar uu soo hadal qaaday arrimaha Burcad-badeeda ayuu sheegay in sanadkii 2013-kii ay burcad-badeedu biyaha Soomaaliya ka geysteen 170 weerar, labadii sano ee u dambeysayna ay sameeyeen Afar weerar oo keliya islamrkaana Dowladda Maraykanku ay ka shaqayneeyso sidii aysan horumaradda la sameeyay dib ugu laaban lahayn.
Taliska Maraykanak ee Qaaradda Africa ayaa Al-shabaab iyo Daacish ku beegsada Soomaaliya waxuuna taliskau sanadkaan dalka ka geystay in ka badan 50 duqaymood.
Tii ugu dambeysay waxay geinkii dambe ee Jimcihii ka dhacday Buuraha Goolis waxaana ku dhintay 3 xubnood oo ka tirsan daacish.


