Somali News

Ciidamad Xoogga oo saakay dhaq dhaqaaqyo ka wada duleedka Marka.

Marka-KNN-Ciidamada 14ka October ee ku sugan magaalada marka ee gobalka shabellada hoose ayaa lagu sheegay in xalay illaa iyo saakay ay howlgallo kawadaan duleedyada magaalada marka kaddib markii qarax miino lala eegtay shalay gelinkii dambe masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka iyo kan degmada qoryooley.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqriijiyay saddex Askari oo ilaalo u ahayd xubnaha Maamulka Qoryooley ee lagu weeraray Tuulada Abiikaroow oo ku taalla duleedka Magaalada Shalanbood ee Gobolka Shabellada hoose.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenkii Amniga degmadda Qoryooley Cabdi Axmed, xoghayihii degmaddaasi iyo wariye lasocday sida la sheegay.

Howlagallada ay wadaan ciidamada xoogga ayaa lagu sheegay in lagu baadi goobayo dadka falkaasi ka dambeeyay iyo guud ahaan in la adkeeyo amniga magaalada marka iyo duleedyadeeda.

Masuuliyiinta dhaawaca uu kasoo gaaray qarax miinada ee lala eegtay shalay ayaa waxaa loo soo qaaday magaaladaan muqdisho si looga dabiibo xaaladdooda caafimaad.