Somali News

Ciidamada Ahlu-Sunna oo ka baxay Magaalada Guriceel.

Muqdisho-KNN– Ciidanka Ahlu-Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa ka baxay wadada deegaanka God-Wiil ee aada dhanka Waqooyi Beri ee magaalada Giriceel.

Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa fariisinkii ay ku lahaayeen dhanka waqooyi ee magaalada, gaar ahaan Jaamacadda waxay uga tageen 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, kuwaas oo ay ku qabsadeen dagaalkii bishii hore ka dhacay deegaanka Bohol.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna ayaa laga soo xigtay in ay sheegeen in wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dhanka dowladda ayaa iyaguna sheegay in uusan jirrin wax wadahadal ah, balse ay jiraan ganacsato qaab qabiil magaalada uga saartay ciidankii u dagaalamayey Ahlu-Sunna.