Uncategorized

Ciidamada amaanka ee Zimbabwe oo xabsiga dhigay gudoomiye ku xigeenka jaamacada Qaranka Zimbabwe

Muqdisho-KNN-Ciidamada Dowladda Zimbabwe ayaa Xabsiga dhigay Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Zimbabwe ninka lagu magacaabo livi niyagora kadib markii uu shahaado PHD oo macmal ah u sameeyay xaaska Madaxweynihii hore ee dalkaasi Grace Mugabe.

Haweeynaydan ayaa  Shahaadada ka heshay Jaamacadda iyadoo aan waqti badan joogin Jaamacadda Sanadkii 2014 ka.

Ciidamada Dalka Zimbabwe ayaa wada baaritaanno ku saabsan arintan kadib markii qaar ka mid ah Shaqaalaha jaamacadda u soo gudbiyeen cabasho ku aadan arintan.

Mid kamid ah barayaasha qeybta culuumta arimaha Bulshada ee jaamacadda Zimbabwe ayaa sheegay inaysan jirin xilligan cadeymo muujinaya in Shahaado PHD ah la gudoonsiiyo xaaskii madaxweynihii hore isagoo ku baaqay in la sameeyo baaritaano dheeri ah iyo in laga noqdo go,aanka shahaado biixinta.

Dadka ka cabanaya shahaadadan la siiyey Grace Mugabi ayaa ku doodaya in Shahaadada aan la faafin ilaa iyo mudo 4 sano kadib taasi ah mid aan waafaqsaneyn sharciyada jaamacadaha dalkaasi.

Gares Mugabe ayaa shahaadadan heshay xilli uu Jaamacadda gudoomiye ka ahaa seygeeda Robert Muganbe oo ah Madaxeynihii hore ee Dalka Zimbabwe ee xilka laga xayuubiyey  bishii November ee sanadkii tagay kadib markii 37 sano oo uu dalkaasi xukumayay.

Xigasho Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.