Uncategorized

Ciidamada amaanka Muqdisho oo xalay qab qabtay Mooto Bajaaj badan

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ku soo qab qabtay Mooto Bajaaj ka badan ilaa iyo  Lixdan mooto  Bajaaj, iyadoona ciidamada amaanka ay ku soo  bandhigeen Saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada amaanka ayaa Mootooyinka la soo bandhigay waxaa ay  ku sheegeen  in ay ahaayeen   kuwo Taargo la’aan ah, laguna tuhmayay in ay qeyb ka yihiin falalka abuura amni darada  ee ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa ka hadlay Saldhiga degmada uu maamula ee lagu soo bandhigay Mootooyinkaasi, wuxuuna tilmaamay in talaabadaan ay tahay mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) oo goobta joogay ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonaan mootooyin socda xiliga habeenkii  iyagoo aan wadanin Taarko.