Somali News

Ciidamada amaanka oo Baaritaano ka sameeyay D/Xamar jajab kadib dil ka dhacay degmadaasi.

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa xalay baaritaano ka sameeyay degmada Xamar Jajab ee Gobalka Banaadir kadib markii halkaasi koox hubeysan ay ku dishay qof ka mid ah dadka deegaanka.

Alle ha u naxariistee Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Calasow waxaana la toogtay isagoo ka soo baxay Masaajid ku yaala degmada sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada amaanka ayaa soo qabtay dhowr qof oo oo ka agdhawaa halka uu dilka ka dhacay, Ciidamada amaanka ayaa sheegay iney Baarayaan dadka ay usoo qabteen dilkaasi, lama oga sababta keentay dilka Marxuumka.