Somali News

Ciidamada amaanka oo saakay Baaritaano Hor leh ka wada Afgooye.

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ayaa saakay ayaa baaritaano waxaa ay ka wadeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Baaritaano ayaa salka ku hayo, kadib markii maalmihii dambe ay degmada afgooye ka dhacayeen dilalka qorsheysan.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in saakay uu socdo baaritaano guri guri ah oo ay sameynayaan ciidamada dowlada Soomaaliya Soomaaliya.

Xaalada ayaa saakay u muuqatay mid aad jawigeeda u degan.