Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran,waxaana lagu inta badan wadooyinkaasi lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Ciidamo isugu jira booliska iyo Militari ayaa waxaa la soo dhigay dhamaan Isgoysyada Muqdisho, kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinka , waxaana xusid shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ay saakay lugeynayaan.
Sababaha wadooyinka Magaalada Muqdisho saakay loo xiray ayaa waxaa lagu sheegay in daqiiqadaha soo aadan lagu wado in Muqdisho la keeno Meydka Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh jibriil, isla markaana Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan aaska wasiirkii dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya.
Wixii ku kordha la soco.