Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliska degmada Howlwadag ee gobolka Banaadir ayaa xalay degmadaas ku toogtay laba nin oo sida la sheegay dadka shacabka ah dhac u geysanayey.
Sarkaal ka tirsan ciidanka fuliyay howlgalkaas ayaa sheegay in ragaas mid kamid ah toogteen, halka kan kelana ay dhaawac ku qabteen.
Sidoo kale waxa uu sheegay labadaas nin ay xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag dadka uga furanayeen taleefanada iyo agabyadooda kale, isla markaana ay wateen dariiska ciidamada dowladda iyo laba qori.
Midkii dhaawaca ahaa ayuu sheegay salkaalkan inay gacanta ku hayaan, halka kii kale meydkiisa loo qaaday xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da.