Muqdisho-KNN-Askar ka tirsan ciidanka nabada sugida soomaaliya gaar ahaan kuwa gaashaan ayaa xalay Baaritaano waxaa ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah dagmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Meelaha xalay ciidamada nabada sugida baaritaanada ay ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah xaafadaha ku teedsan isgoysyada Boondhere iyo Maanaboolyo ee dagmadaasi.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen dhalin yaro badan, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Habeenadii dambe ayaa dilal qorsheysan waxaa ay ka dhacayeen degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir, kaasi oo loo geysanayay shaqaalaha ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan baaritaanadii xalay ay ka sameeyeen degmada Boondheere.