Somali News

Ciidamada amaanka oo xalay Baaritaano ka sameeyay Yaaqshiid

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa xalay ay baaritano ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir, hawlgalkaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey sida ay horay u sheegeen laamaha Amniga Soomaaliya.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay si gaar ah uga sameeyeen Xaafada Suuqa Xoolaha qaybta degmada Yaaqshiid, iyaga oo Guryaha qaar baaritaano ku sameynayay, sida ay KNN u sheegay dad goobjoogayaal ah.

Hawlgalka inta uu socday ayaa waxaa dhalinyarada fara badan laga qab qabtay Xaafadaha iyo wadooyinka qaar ee Xaafada Suuqa xoolaha, kuwaas oo baaritaano kadib badankood la siidaayay.